Gudoomiyihii Degmada Afgooye Oo Xilka Laga Qaaday

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Afgooye Ayaa sheegaya in Wasiirka Arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed, Mr.Maxamed Abuukar Cabdi uu xil ka qaadis ku sameeyay Gudoomiyihii Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose, Ibraahim Cumar Qaasim (Ibraahim Carab)….

Qoraalka oo la soo saaray shalay gelinkii dambe ee maanta soo saaray ayaa lagu qeexay in xil Juu laga qaaday Gudoomiyihii Degmada Afgooye, iyadoona xilkaasi loogu magacaabay Aweys Cabdullaahi Cumar (Aweys Buulalow), iyadoo lagu Eedeeyay inuu si ka baxsan nidaamka uga hadlay Kufsi ka dhacay Degmada.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in xil ka qaadista Ibraahim Carab ay timid, ka ldib markii uu si khalafsan Nidaamka Dowliga ah uga hadlay kufsi haweeney 85 jir ahayd, 27-kii bishii hore ee September loogu gaystay degmadaasi.

Kufsiga haweeneydan ayaa dhacay maalintii uu xilka la wareegayay Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble, isla-markaana ballanqaaday in wax ka qaban doono tacadiyada ka dhanka ah haweenka iyo carruurta.

65590cookie-checkGudoomiyihii Degmada Afgooye Oo Xilka Laga Qaaday