Golaha Amaanka Oo Ka shiraaya Khilaafka Madaxda Dowladda

Somalia news

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta lagu wadaa iney ka shiraan khilaafka awoodeed ee u dhexeeya Mr.Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, kaas oo ka dhashay kiiska Ikraan Tahliil oo ka tirsaneyd Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsuggida ee NISA…

Kulankaan oo ah mid ay albaabadu u xiran yihiin ayaa waxaa xubnaha Golaha Ammaanku warbixinta xaaladda loolanka siyaaseed ee madaxda dowladda ka dhageysan doonaan Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Somalia James Swan sida uu xaqiijiyay afhayeenka Qaramada Midoobay Stephane Dujarric. 

Sida ay ku soo warrameyso wariyaha VOA-da ee Qaramada Midoobay Margatet Besheer, afhayeenka ayaa sheegay in James Swan uu ku boogaadiyay madaxweynaha Koofur-Galbeed Cabdicaziiz Laftagaren dadaalka isaga iyo madaxda kale ee mamul goboleedyadu ay ugu jiraan xallinta khilaafka u dhexeeya madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iusl Wasaare Rooble.

“Wadahadal niyadsami ah wuxuu ahmiyadda ugu horreysay siinayaa baahida dhammaan dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan in Soomaaliya loo oggolaado inay ku sii socoto wadada xassilloonida iyo dib-u habeynta” ayuu yiri afhayeenka Qaramada Midoobay Stephane Dujarric.

141220cookie-checkGolaha Amaanka Oo Ka shiraaya Khilaafka Madaxda Dowladda