Siyaasiyiinta Soomaalida Oo aan Weli Cashar Ka Baran Burburka Dalka

Somalia news

Kow iyo sodon sano waa qati dheer oo ay Bulsho wax kaga baran karto burbur ama guuldarrooyin wadareed soo gaaray, Waddada ay siyaasadda Somalia hayso ma muujinayso in Soomaalidu yeelatay dowladnimo cago adag ku taagan, waxaana sabab u ah tayada hooseysa ee Siyaasiyiinteeda xiligaan Shaashada ka muuqda…

Run ahaantii, way adag tahay inay Somalia yeelato xiligaan dowlad la jaanqaadi karta dowladaha dariska la ah, Soddon sano ayay Somalia ka dambaysaa dowladaha deriska ah waayo way ka badbaadeen burbur dowladnimo (state collapse), inkastoo cudurka Dalka ku habasaday uu xiligaan faraha ku hayo Dalka Ethiopia (Dagaal sokeeye).

Maanta dhaqaalaha aad u badan oo Somalia dib loogu dhisi kari lahaa waxay ku baxdaa Ciidamada Nabad-ilaalinta Afrikaanka (AMISOM), Sanadkii 2017kii Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres wuxuu shirkii London (London Somalia Conference) ka sheegay in AMISOM Somalia u joogto inay ka hortagto xoogag halis ku ah nabadgelyada Aduunka, Doodda Guterres waxay ahayd: Somalia may laha dowlad ku filan dhowridda amniga dalkeeda kana hortagi karta in qeybo ka mid dalka ay saldhigyo u noqdaan ururro loo aqoonsan yahay argagixiso ama maamushaan shirkaddo macaash doon ah.

Kaalinta Awoodaha shisheeye

Kaalinta awoodaha shisheeye ku leeyihiin siyaasadda Dalka ma aha mid indhaha laga qarsan karo, gaar ahaan Dalalka Khaliijka iyo kuwa Bariga Africa, Waxeyna kaalintani ku salaysan tahay danaha Siyaasiyiinta Danleyda Soomaalida ah kuwaasoo qabaan u ah dalalka kor ku xusan, Maqnaanshaha siyaasad qaran oo ku saabsan maamulka dekadaha iyo garoommada diyaaradaha waa eed ay Dowladda Federaalku leedahay, Loollanka siyaasadeed uma dhexeeyo koox faragelinta shisheeye taageersan iyo koox ka soo horjeedda, iyadoo Burburka dowladnimada Dalka, uu horseeday in dekedaha Somalia qaarkood gacanta u galaan Maamulo kuwaasoo si aan ka fiirsi laheyn ugu iibiyay Dalalka Turkiga & UAE.

165770cookie-checkSiyaasiyiinta Soomaalida Oo aan Weli Cashar Ka Baran Burburka Dalka