Kulankii Gar-naqsiga ee Xasan Sheekh Oo Xildhibaanad Sacdiya muxuu ku soo Dhamaaday

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa kulan adag oo gar-naqsi ah oo dhex maray Madaxweynaha Somalia iyo Gudoomiye Kuxigeenka Baarkamaanka kaasoo la iska wareystay xiisadii ka dhalatay Warkeedii xanafta lahaa ee xeerka Jinsiga iyo Hanjabaadeedii iney Mogadishu isaga tageyso hadii…

Xogtaan ayaa xaqiijisay in Xasan Sheekh uu aad uga carooday in muddo 6-bilood gudahood ay 3-arrimood oo culus ay ku kacday taasoo khalkhal gelisay Maamulkiisa horseedayna in guux Xisbigiisa dhexdiisa ka dhasho inuu ka dambeeyo raali ka yahay ficilada Xildhibaanada waxaana ka mid ahaa:-

-Wiilkii ay keenaatay oo Wasiirka loo magacaabay ay Isla habeenkii ku qasabtay inuu is-casilo taasoo waji gabax ku noqotay Maamulka Xasan Sheekh.

-In Si fudeyd ka muuqato ay magaalada Boosaaso Baakado gargaar u qaado shaqaaqada ka dhalatayna ay ku naf waayaan 16-Qof isla narkaasna aan lagula xisaabtamin.

-Iney Mas’uul ka aheyd Hadaladeedii xanafta lahaa ee Xeerka Jinsiga iyo Hanjabaadeedii iney Xamar isaga tageyso, kudarsoo waxey weli ka madax adeygeysaa iney raali gelin bixiso.

-In Xildhiibaanada Taageersan xiligaan ay aad u yar yihiin.

Xasan Sheekh xalay la kulmay Gudoonka Baarlamaanka ayaa Xildhibaanad Sacdiya u sheegay iney is-casisho Baarlamaanka iyo Xisbiga hadii Xeerka Jinsiga uu Baarlamaanka ansixin waayo.

Xaqiiqdii waji gabax iyo dib u dhac siyaasadeed oo salka ku haya kacdoon ayuu Xasan iyo Xildhibaanada wajahayaan xiligaan, waxaana la oran karaa (Xildhibaanada) ineysan u bisleyn Siyaasada mana lahan Fahamka hobooyinka Siyaasi waxeyna u baahan tahay la-taliyayaal xakameeya ama is casisho.

229410cookie-checkKulankii Gar-naqsiga ee Xasan Sheekh Oo Xildhibaanad Sacdiya muxuu ku soo Dhamaaday
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com