Xiisado Coladeed Oo Ka Taagan Degaanka Dhabad

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa xiisado colaadeed oo ka taagan degaanka Dhabad kaasoo u dhaxeeya Maleeshiyaad ku heyb ah Farmaajo iyo Qorqor kuwaasoo isku heysta Qodista Ceel Biyood laga bilaabay degaanka Balicad oo Hoostaga Degmada Dhabad..

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijiyay in Degaankaan Ceelka laga qodaayo uu Degmada Dhabad u jiro masaafo dhan ilaa 2-KM degaanka Frontfore, Tuulooyinka ku dhow degaanka Dhabad ayaa la sheegay in xiisado colaadeed iyo hub uruursi laga dareemay, Iyadoo Odayaal beesha Mareexaan ay ku eedeeyeen Qorqor inuu degaanka soo geliyay Maleeshiyaad iyo Gaadiid Dagaal oo lagu ilaalinaayo Gaariga Ceelka qodaayo.

Odayaasha Beesha Mareexaan ayaa Maamulka Galmudug ugu baaqay iney soo dhex galaan Dadkaan Muslimiinta ah Heshiis la dhex dhigo oo la joojiyo deegaameynta cusub iyo is balaarinta ay beeshu wado taasoo horseedi karta colaad iyo barakicin cusub.

165740cookie-checkXiisado Coladeed Oo Ka Taagan Degaanka Dhabad