Muran Hareeyay Kursiga Hop#068 Oo Qabashada Xulashada Ay Hir-Shabelle Ku Adkeysteen

Somalia news

Warar iska soo horjeeda ayaa laga helayaa qoraal lagu hakiyay xulashada kursiga Hop#068 oo xalay la faafiyay, halka saacado kadib qoraal kale lagu sheegay in qoraalkaasi uu yahay been abuur, iyadoo lagu waday in maalinta Axada la qabto Doorashada Kursigaasi…

Kursigaan ayaa ah kan ugu hadal haynta iyo saameynta badan Xulashadaan dadban, sababtoo ah waxaa u sharaxan islamarkaana loo xiray Madaxii hore ee NISA Eedeysane Fahad Yaasiin, oo loo heysto dembiyo badan intii uu Hey’adaasi maamulaayay.

Qoraal kasoo baxay guddiga ayaa lagu yiri:-

Awoodaha FEIT waxaa ka mid ah Shahaadada Xildhibaannimo ee la siinayo qofka xubinta ka noqonaya Baarlamaanka, Sidaas oo ay tahay haddii Guddiga doorashada Hirshabelle uu ku adkeysto inuu qabto doorashada kursiga #HOP086 waxay u baahnaan doontaa Ansixin Guddiga heer Federaal.

Mar walba waxaa horyaala Checkpoints badan oo ka gudbideeda ay adag tahay.

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo la rumeysan yahay inuu heysto awoodda labada Guddi FEIT iyo Xalinta Khilaafaadka waxay iyagana qaadan karaan tallaabooyin hakin kara ku dhawaaqista natiijada kama dambeysta ah.

169600cookie-checkMuran Hareeyay Kursiga Hop#068 Oo Qabashada Xulashada Ay Hir-Shabelle Ku Adkeysteen