Qaraxyo Dhowr ah oo u Muuqda tiro Baco Dheemish ah iyo Naftood-haligayaal ayaa Caawa lagu Khalkhal geliyay Amaanka Caasimada

Somalia news

Last Update:- Sida laga soo xigtay Laamaha Amaanka, kooxo ka tirsan Argagixisada Shababka ayaa weeraro u muuqda cabsi gelin waxey ku qaateen Degmooyin dhowr oo ka tirsan Gobolka Benadir, Iyadoo uu Naftood-halige qarax is-miidaamin ah ka fuliyay xerada militariga Jeneraal Dhegobadan ee magaalada Muqdisho..

Wararka ayaa sheegay in xeradaasi qaraxa ka dhacay xiligaasi la qoraayay dhalinyaro loo qaadi rabay Tababar, waxaana ku geeriyooday ugu yaraan 15-Qof iyo tiro badan oo dhaawacyo kala duwan ay ka soo gaareen Dhalibyaradii Ciidamada loo qoraayay, iyadoo dhowr jeer oo horey qaraxyo ula beegsaday kooxda Shabaabka.

Dhanka kale Tiro baco qaraxyo (Bambooyin) dheemish ah oo argagax gelin ah ayaa la sheegay in la dhigay Degmooyinka Kaaraan, Waaberi (Dugsiga Raage Ugaas), Hodan (Haanta dheer) iyo Warshiigley, Saraakiisha amaanka ayaa sheegeen ineysan cidna wax ku noqon Bacadaasi.

Meelaha qaar waxaa laga maqlay rasaas teel-teel ah, Dadkii shacabka ayaana inta badan ka kala cararay Hoteelada iyo Goobaha ay dadku isugu yimaadaan, iyadoo Xoogaga Amaanka aysan soo werin dhimasho iyo shaawac marka laga Xerada Nac-naca.

223510cookie-checkQaraxyo Dhowr ah oo u Muuqda tiro Baco Dheemish ah iyo Naftood-haligayaal ayaa Caawa lagu Khalkhal geliyay Amaanka Caasimada