Saami-qeybsiga Xilalka Sare Ee Dalka Oo Kooxda Farmaajo Qorsheysatay iney Bedelaan

Somalia news

Madaxweynihii hore Mr.Farmaajo, oo ku fashilmay 4-tii sano ee uu xilka hayay ayaa wada qorshe uu doonayo inuu ku abuuro qalalaasa siyaasadeed oo hor leh, kadib markii uu ku fashilmay inuu hor istaago doorashada Baarlamaanka 11-aad ee JFS, taasoo uu garwadeen ka yahay Ra’iisul Wasaaraha Xil-gaarsiinta Mr.Rooble…

Warar loo qaateen ah oo Warsidaha Diinah.com news loo soo dusiyay, ayaa sheegaya in Kooxda waqtigu ka dhamaaday, ay dooneyso in ay is-beddel ku sameeyaan awood qeybsiga siyaasadeed ee ku aaddan kuraasta waaweyn ee heer Federaal, taasoo tan iyo dib u yabyabkii dowladnimada ku socotay heer ja-jab aan qorneyn oo la isla oggol yahay.

Horjoogahaan, ayaa doonayaa inuu dadaalkiisa ugu badan galiyo in kursiga Guddoomiyaha Golaha shacabka ee Baarlamaanka JFS uu saaro, shaqsi magaciisa lagu sheegay, Maxamed Daahir, oo ka soo jeeda beesha Hawiye, gaar ahaan Xawaadle, kaasoo hadda ka mid ah Musharixiinta kuraasta u raadsaday Baladweyne gaar ahasn Hop#063, wuxuuna ku hooyo yahay Lafta gareen, halka Gudoomiye kuxigeenka loo wado Eedeysane Fahad.

Dastuurka iyo xeerarka dalka u yaalla, meelna kagama qorna in Hawiye iyo Daarood kala qaataan xilalka MW iyo RW, isla-markaasna ay Raxanweyn qaadato xilka Af-hayenka Baarlamaanka, hayeeshee, waa dhaqan siyaasadeed dhowran oo lagu dhaqmayay 22-kii sano ee la soo dhaafay.

Qorshahaan uma muuqdo mid riyo maalmeed ah, ayayna ku tilmaamayaan isbaaro dadka siyaasadda u dhuun duleela, hayeeshee, waxaa la fahansan yahay in Farmaajo leeyahay dhaqan siyaasadeed, xasarad abuur iyo xiisad kicin ku suntay oo wax waliba ka suuroobaan.

169670cookie-checkSaami-qeybsiga Xilalka Sare Ee Dalka Oo Kooxda Farmaajo Qorsheysatay iney Bedelaan