Muxuu Salka Ku Hayaa Khilaafka Guudlaawe & Dabageed

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa sheegaya in Madaxweyne kuxigeenka Hirshabeelle uu ka horyimid in si daah-furan loogu tartamo 11 kursi, kadib go’aankii Madaxweyne Guudlaawe ee ahaa inaan cidna loo xiri doonin kuraasta magaalada B/Weyne…

Mr.Guudlaawe oo Kulan kula yeeshay magaalada B/weyne Musharixiin gaaraya 50 oo u taagan 11 kursi, ayaa ballanqaaday in aan cidna loo xiri doonin kuraastan, kaddib markii Maleeshiyo beeleedyo hubeysan oo taageersan Musharixiinta qaar ay soo buux dhaafiyeen magaalada kuwaasoo dalbaday in Shaqsiyaad beeshooda ah laga reebo Xulashada dadban.

Guddiga SEIT ee Hirshabeelle ayaa dib u dhigay doorashada kuraastan oo la filayay inay 8 iyo 9 bishan Maarso ka dhacdo magaalada Beledweyne, iyagoo sheegay inay dib kasoo sheegi doonaan waqtiga rasmiga ah ee la qabanayo.

173670cookie-checkMuxuu Salka Ku Hayaa Khilaafka Guudlaawe & Dabageed