Xog Xasaasi ah: Loolanka kuraasta HOP#198 & HOP#199..

Somalia news

Guddiga Maamulka Doorashooyinka ee Puntland ayaa lagu wadaa inay 48-saac gudahood shaaciyaan jadwalka doorashada lix kursi oo kamid ah Golaha Shacabka BJFS, kuwaas oo ka harsan 37-kursi ee Puntland ku leedahay Golaha Shacabka, oo 31 kamid ah la doortay…

Xogtaan ayaa tilmaamtay in 6-kursi ayaa si gaar ah uga haray 21-kursi ee yaallay magaalada ee Garoowe. Madaxtooyada Puntland ayaa horey ugu cadaadisay Guddiga SEIT ee Puntland in dib loo dhigo kuraastan oo doodo adag ay hareeyeen tartanka qaar kamid ah.

Kuraasta HOP#198 iyo HOP#199, oo kamid ah lixdan kursi, lagana leeyahay gobalka Mudug (Beesha Cumar Maxamuud), ayaa Siciid Deni kala kulmayaa cadaadis adag, maadama Isimka guud ee beesha Islaan Bashiir Islaan Cabdulle uu go’aamiyay in aan cidna loo xiri doonin kuraastan, ayna si daahfuran ugu tartamaan musharixiinta Jilibyada Beesha.

Wata ayaa sheegaya in Mr.Dani uu kala hadlay Guddiga SEIT in kursiga HOP#198 laga dhigo qoondo dumar, si ay ugu soo baxdo Wasiirka Haweenka Puntland Aamina Cismaan Xaaji, Sidoo kale kursiga HOP#199 ayuu doonayaa Madaxweyne Deni inuu kusoo baxo Guddoomiyaha gobalka Mudug Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare), balse waxaa uu tartan adag kala kulmi doonaa musharixiin uu kamid ah yahay Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibedda XFS Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, waxaa la filayo in kuraastaan doorashadoodu dhacdo kahor 13 bishan Maarso.

173640cookie-checkXog Xasaasi ah: Loolanka kuraasta HOP#198 & HOP#199..