Tiro badan oo xubnaha Golaha Wasiirada ayaa sandkaan waxay noqdeen Mas’uuliyiintii u horreeyay ee xilliga kala guurka maareyn waayay kuna guuldareystay inay kuraas Xildhibaan ka soo helaan deegaanadii ay ka soo jeedeen, kooxahaan ayaa Labada garab ka kala tirsan…
Labadii jeer ee xilligii kala guurka sanadihii 2012 iyo 2017 Golaha Wasiirada ayaa udub dhexaad u ahaa sida Xukuumaddihii C/weli Gaas iyo Cumar C/rashiid, Wasiiro badan ee Xukuumadahaas ka tirsanaa ayaa soo helay kuraas Xildhibaan.
Sabadkaan ayaa la cadeeyay in Wasiirada Qorsheynta, Duulista, Dhalinyarada, Maaliyada, Beeraha Wasiiro Dowladaha Maaliyada & xubno oo taageersan Farmaajo ayaa ku hungoobay iney kursi ka soo helaan degaanada ay ka soo jeedaa, waxaana lagu sababeeyay taageeradooda Farmaajo iney ku waayeen kursigii Xildhibaan ee ay ku fadhiyeen.
Halka oo Dowladda Ra’iisul Wasaare Rooble hoggaamineyso hannaanka doorashada inta badan Wasiiradeedii ayaa ka soo waayay kuraas deegaanada ay ka soo jeedeen marka laga reebo Wasiirka Kaluumeysiga iyo Wasiir kuxigeenka Cadaaladda oo Xildhibaan soo qaatay, balse Wasiirada soo hungoobay ayaa waxaa ka mid ah: Wasiirka Gaashandhigga, Wasiiru dowlaha Xafiiska RW, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Gudaha, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Wasiir kuxigeenka Warfaafinta.