Somalia Oo AU-da U Gudbisay Codsi ku aadan Qaadista Cunaqabateynta Hubka

Africa News Somalia news

Kusimaha Wasiirka Arrimaha Dibeda ee Somalia Mr.Bilal Maxamed Cusmaan oo ka qeyb galaayay Kulanka 41-aad ee Guddiga Fulinta ee Ururka Midowga Africa kaasoo lagu qabtay Caasimada Lusaka ee Dalka Zambia ayaa codsaday in Somalia laga qaado Cunaqabateynta Hubka ee Golaha Amaanka UN-ka saaray..

Kulankaan oo ay ka soo qeyb galeen Wasiirada Arrimaha Dibeda ee Dalalka ku bahoobay AU-da, kaasoo la qabtay 14-15 bishaan, kuwaasoo ka wada hadlay Caqabadaha Qaarada, iyagoo dhageystay warbixinta hirgelinta qorshaha kala guurkanoo ay ku jiraan Nidaamka Qootada, Xirfadaha Hantidhowrka, qorshaha shaqaakeysiinta degdeg ah & hirgelinta mudada dhexe ee Nafaqeynta Au-da.

Wasiiradu waxey kaloo lafa gureen sidii Somalia looga qaadi lahaa Cunaqabateynta Hubka ee Golaha Amaanka saaray 23-kii Janaayo 1993, si buuxda loo dhaqan geliyay qorshaha KMG ee (STP) ee waafaqsan Qararkii lambarkiisu ahaa 2627, Mowduuca Sanadkaan ee Kalfadhigu ayaa ku suntanaa “ Dhisida Adkeynta Nafaqada Qaarada Africa, Dardar gelinta Raasumaalka aadaha, Horumarinta Bulshada iyo Dhaqaalaha.

201910cookie-checkSomalia Oo AU-da U Gudbisay Codsi ku aadan Qaadista Cunaqabateynta Hubka