Weerar Lagu Laayay Dad Isku Qoys ah

Somalia news

Wararka hordhaca ee naga soo gaaraya Degaanka Tabeellaha Sheekh Ibraahim oo ka mid ah degaanada ku teedsan wadada Afgooye iyo Muqdisho ayaa waxaa xalay ka dhacay fal dil argagax leh, kadib markii Dabley hubeysan uu halkaas ku laayey dad hal qoys ka koobnaa….

Gacan-kudhiiglaha oo ku hubeysnaa qori Ak-47 ah ayaa sida la sheegay inuu ka tirsan yahay ciidamada Dowlada, isagoo rasaas aan kala sooc laheyn ku furey qoys uu hoygooda ku weeraray oo ka koobnaa qiyaastii toban qofood, kuwaasoo noqday wax dhintay iyo wax dhaawacmay.

Goob joogayaal ayaa Diinah.com news u xaqiijiyey in ilaa shan qofood ay ku geeriyoodeen goobta, halka shan kalena ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen.

Meydadka iyo dhaawacyada dadkaas ayaa loo soo qaaday xarunta dhexe ee dembi baarista booliska Soomaaliya ee CID-da iyo goobaha caafimaadka ee magaalada Muqdisho sida wararku nagu soo gaarayaan.

Faahfaahin lagama hayo sababta weerarkan balse dadka degaanka qaarkood ayaa sheegaya in Eedeysanaha weerarkan geystay uu gabar ka qabay reerka uu xasuuqay, uuna jiray khilaaf iyo muran maalmahan ka dhexeeyey isaga iyo qoyska uu xididka la ahaa.

Ciidamada amaanka DF ayaa goobta gaaray halkaasoo ay ka wadaan baaritaano ay ku baadi goobayaan askariga weerarkan arxan darada ah fuliyey oo goobta ka baxsaday.

46790cookie-checkWeerar Lagu Laayay Dad Isku Qoys ah