Safaarada USA ee Kenya oo Cadeeyay inaysan Aqoonsanayn Dukumeentiyada Somalia 

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Nairobi ayaa sheegaya in Saraakiisha Safaaradda Mareykanka ee ka howlgala Nairobi ayaa laga soo xigtay inaysan aqoonsanayn Dukumeentiyada Somalia laga soo qaato ee ay bixiso Dowladda Federaalka…

Wararka ayaa sheegay in Somali badan oo xaraystay barnaamijka baqtiyaa-nasiibka ee loo yaqaano Lottery, ayay arrintaan saameyn ku yeelatay, kuwaasoo dib loogusoo celiyay qoraallo loogu sheegayo in Safaaradda Mareynkanka ee Nairobi aysan aqoonsanayn Dukumentiyadooda, sidoo kale talaabadaan ayaa waxay saameyn ku yeelatay dadka u safraya arrimo caafimaad, ardayda iyo qoysaska doonaya inay dib u midoobaan.

“Waan ka xunahay, laakiin tani sideedii ayay ahaan doontaa illaa aan ka helno macluumaad ah in siyaasaddan wax laga bedelo,” ayay tiri safaaradda Mareykanka ee Nairobi, Arintaan ayaa kusoo beegantay xilli kumanaan Somali ah ay sannadkii hore xaraysteen barnaamijka Lotteryga, iyagoo  doonaya inay Mareykanka ku galaan, haddii nasiibkoodu uu saacido.

178540cookie-checkSafaarada USA ee Kenya oo Cadeeyay inaysan Aqoonsanayn Dukumeentiyada Somalia 
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com