Doorashada Dalka Oo Lagu Tilmaamay Mashruucii Faanoole

Somalia news

Inkastoo ay culeysyo badan la kulmaayaan Xubanaha Golaha Wadatashiga Qaran kuna aadan dhameystirka Doorashada, ayaa waxaa soo shaac baxaaya in aan Xiligaan la qaban karin Xafladaha dhaarinta, aqoonsi siinta & dooraahada Gudoonka Baarlamaanka sababo is-biirsaday awgeed…

Marka aad dib u milicsato 26-Xildhibaan ee ka dhiman Doorashada lagu daray 25-Xildhibaan oo doorashadoodu shaki la geliyay waxaana ku soo baxaaya in xiligaan aan la qaban karin Doorsahada Gudoonka Baarlamaanka, waayo 51 Xildhibaan ayaa ka dhiman in tirada guud la buuxiyo halka 2/3 ay weli gaareynin tirada guud ee loo baahan yahay in Doorashada Gudoomiyaha iyo kuxigeenadiisa lagu qabto.

Maamulada Gobolada Puntland, Galmudug, Konfur galbeed, Wakiilada Waqooyiga Somalia & Kuwa Benaadiriga ayaa soo dhameeyay, waxaana weli khilaaf ka taagan 16-kursi ee Garbahaarey & 10-ka Kursi oo ku dhiman Hir-Shabelle kuwaasoo dhawaan lagu wado in la qabto dhowaan hadii lagu heshiiyo.

178500cookie-checkDoorashada Dalka Oo Lagu Tilmaamay Mashruucii Faanoole