Maxaa Xiligaan Keenay in Somalia laga Mamnuuco TikTok, Telegram iyo 1XBet

Somalia news

Qoraal ka soo baxay Wasaarada Isgaarsiinta ayaa lagu amray Madaxda Shirkadaha bixiya adeega isgaarsiinta in la xiro Baraha Bulshada sida Tiktok, Telegram iyo barta Khamaarka lagu ciyaaro ee 1XBET oo sameyn nololeed ku yeeshay Dhallinyarada Soomaaliyeed oo qaarkood keenay in ay nafta ku waayaan, inkastoo aan la soo bandhigin Caddeymo…

Qoraal rasmi ah oo shalay lagu shaaciyey internetka ayaa lagu faray 24-ka Bishaan ay fuliyaan amarkaan 14 shirkadood oo bixiya adeega Internetka (ISP) iney xanibaan TikTok (China), Telegram iyo 1XBET (Russia), Haddii qorshahan hirgelo ayaa la is weydiinayaa kuwa ku xigi doona ee faafreebka loo isticmaali doono.

Dalku waa Federaal ma dhici kartaa in degaanada Puntland, Somaliland uu ka shaqeyn waayo Amarkaan, mise dhici kartaa in USA & UK ay culeys ku saareen Villa Somalia iyo inuu Amaradiisa Muqdisho ku soo koobmo Gobolka Benadir, sidaasna ku noqdo Gudoomiye Gobol “Loogow looba jooge”.

272980cookie-checkMaxaa Xiligaan Keenay in Somalia laga Mamnuuco TikTok, Telegram iyo 1XBet