Share the post "Maxaa ka jira In Madeira Loo Diiday Inuu Soo raaco Diyaaradaha UN-ka"
Warbixin hordhac ah ayaa laga helayaa Diyaarad Qaramada Midoobey oo shalay usoo raaci lahaa Francisco Madeira Wakiilkii hore ATMIS ee Somalia, oo Hogaanka Socdaalka Somalia kala noqdeen Viisihii shaqada ayaa la sheegay in Duuliyihii Diyaarada uu diiday inuu soo qaado…
Wararka ayaa sheegay in iyadoo Midowga Afrika uusan laheyn Diyaarado u khaas ah, kuna tiirsan yihiin UN-ka ayaa la xaqiijiyay in Mr.Madeira uu xiligaan ku sugan yahay Magaalada Nairobi, iyadoo Diyaaradaha ay inta badan u kireysan yihiin Qaramada Midoobey, Sababta loogu diiday Mr.Madeira diyaarada Qaramada midoobey ayaa lagu fasiray u hogaansamid go’aanka Dowladda Fadaraalka Somalia.
Madeira marka uu habeen hore soo baxayay go’aanka cayrintiisa, wuxuu ku sugnaa Hoteel ku yaal magaalada Nairobi, 5-bilood ayaa ka soo wareegatay markii Mr.Simon Molongo oo u dhashay Dalka Uganda kuxigeena u ahaa Mr.Madeira laga ergayay Dalka.