Fahad Iyo Xasaanada Xildhibaanimo Ee Dembiyada Uu Galay

Somalia news

Warbixino hordhac ah ayaa sheegaya in Adeege Fahad Yasin oo Xiligaan ku magacaaban Agaasimaha NISA, oo dembiyo badan ku galay Magaca iyo Xilka Hey’adda, ayaa qorsheynaaya inuu Kaga baxsado Xasaanada Xikdhibaanimo Gabood faladii uu galay 3-dii sano Ee u dambeysay Doorashada nagu soo fool leh…

Xogtaan Ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in Adeege Fahad Yasin uu qorsheeyay Plan A iyo B uu ku wajaho, Damaciisa Xilka Xildhibaanimo, isagoo la sheegay inuu marka hore qorsheeyay inuu Xildhibaan Faarax Cabdulqaadir oo ku beel ah kula tartamo Xubinimada Beesha ay ka soo wada jeedaan Ee Reer Aw-Xasan, balse lagula taliyay inuu ka haro sababo la xiriira in dhaqaale badan uu kaga baxaayo si uu u hanto Xubinimada Beesha.

Wararka Ayaa sheegay inuu go’aansaday inuu Xilka Agaasimaha NISA Dhowaan wareejiyo, kadibna uu kufsado Xilka Xildhibaanimo Ee Beesha Shiidle (3-Cumarow), oo xiligaan ay ku metesho Xildhibaanad Fartuun Cabdulqaadir Karaama isagoo dhaqaale aan la cayimin u balanqaaday iyo Xil, waxaana heshikaasi soo dhameeyay Madaxweyne kuxigeenka Hir-Shabelle Moryanka Cali Guudlaawe oo lagu wado in Madaxweyne dhowaan loo doorto.

66930cookie-checkFahad Iyo Xasaanada Xildhibaanimo Ee Dembiyada Uu Galay