Dagaal Xoogan Oo ka Socda Degaanka Roon-Nirgood ee Gobolka Shabeelada Dhexe

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Weerar ayaa aroortii hore ee Saakay ku qaadeen Makeeshiyaad ka tirsan kooxda argagixisada Shabaabka kaasoo ku bilaawday qaraxyo xero Ciidamada Dowladda iyo kuwa degaanka kaga sugnaayeen Ruun-nirgood ee Gobolka Shabeelaha Dhexe…

Dagaalkaan oo labada dhinac u dhaxeeya ayaa ka socda degaanka Ruun-nirgood , waxaana Shabaab lasoo sheegayaa in gudaha u galeen xeradii Ciidamada dowladda joogeen, Xerada la weeraray ayaa la sheegay in ay joogeen ciidamo katirsan kumaandooska Gor Gor iyo kuwa Degaanka, waxa weerarka ka dhashay khasaaro badan oo labada dhinac kala gaaray.

Ciidamo katirsan Dowlada iyo kuwa degaanka oo ka ruqaan-saday degaano katirsan gobolka Shabeelaha Dhaxe ayaa gurmad u aaday degmada Ruun-nirgood ee dagaalku ka socdo.

247990cookie-checkDagaal Xoogan Oo ka Socda Degaanka Roon-Nirgood ee Gobolka Shabeelada Dhexe
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com