Labadii maalmood ee ugu dambeeyay Waxaa Kooxo Calooshood u shaqeystayaal ah ka wadeen konfurta Magaalada Gaalkacyo Abaabulka kulamo lagu taageeraayo Maamulka Qorqor iyo sidii loogu soo dhoweyn lahaa degaanka…
Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Xoogaga amaanka ee Magaalada Gaalkacyo ay joojiyeen Shirar qarsoodi ah ay Magaalada ka wadeen Cabdinasir Cali Seed (Quful) iyo Moryanka Liibaan Shuqul oo Dhaqaale yar looga soo dhiibay Villa Somalia.
Saraakiisha Amaanka ayaa ku anray Shaqsiyaadkaan iyo kuwo kale oo kala jooga Muqdisho iyo Dhuusa mareeb iney ka Waantoobaan shirarka lidiga ku ah Amniga iyo Xasiloonida Magaalada Gaalkacyo.
Dhanka kale, Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in koox ka tirsan qaybta 21-aad Ee Xoogga Dalka ay dhaq-dhaqaaqyo ciidan kawadaan deegaanno katirsan Koofurta Gobolka Mudug ee Dowlad Goboleedka Galmudug.
Ciidamada ayaa gelinkii dambe shalay gaaray deeegaanno dhowr ah oo ay saldhigyo ka sameysteen, waxaana kamid ah degaanka Bacaadweyne.
Saraakiisha hoggaamineysa ciidamada dowladda waxa ay sheegeen in ay lagu wargeliyay isku diyaarinta howlgal ka dhan ah Al-Shabaab oo ay ka sameeyeen Koofurta Gobolka Mudug.