Bulshada Degmada Boosaaso oo Dhegaha ka Fureystay Is-Diiwaangelinta Doorashada

Politics

Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ataa sheegaya in Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland oo isku dayay inuu qabto kulan lagu wacyi gelinaayo Bulshada Magaaladaasi iney is-diiwaangeliyaan ayaa qiray iney u soo bixi waayeen..

Afhayeenka Guddiga Mr.Cabdinuur Sheekh Maxamed Isxaaq ayaa sheegay in Dadweynaha Magaalada ay iska wataan maareynta Howlahooda maalinlaha ah, ayna ka baaqsadeen baaqo loo jeediyay iney is diiwaan geliyaan, “Suuqa ayaan tagnay hal Qof oo noo soo dhaqaaqay ma jiri”.

Is-Diiwaangelintaan oo hal dhinac ah ayaa waxaa diiday Xisbiyada Mideeye, Horseed, Dhalinyarada, iyo Shaqaalaha, waxeyna ku eedeeyeen Maamulka Dani inuu qabanaayo Doorasho dhinac ah Danta uu kaleeyahayna ay tahay muddo korarsi, iyadoo Bilihii ugu dambeeyay ay soo shaac baxaayen qeylo dhaan ah in aan Degaanada la gelin “ Firaaqo Dastuuri ah”.

237670cookie-checkBulshada Degmada Boosaaso oo Dhegaha ka Fureystay Is-Diiwaangelinta Doorashada
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com