Ma Dhabaa in Ciidamada Eritrea Laga Keenay loo Daadgureeyay Degaanada Galmudug

Somalia news

War deg deg ah:- Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa xaqiijinaaya Xalay laga daadgureeyay Ciidamadii ku sugnaa Xeradii Gordan ee ku dhow Wasaarada Gaadhandhiga, iyadoo amarka uu bixiyay Taliyaha Ciidamada Xoogga, kadib markii Abaadulaha Ciidamada Lugta oo ku sugan Degmada Xaradheere uu soo dalbaday Gurmad deg deg ah…

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in Ciidamadaan oo tiradoodu lagu sheegay Hal Guuto (Guutada 2-aad) iyo Guutada 3-aad oo laga Qaaday hal Urur, isku darka tirada guud waa (1344-Askari), waxeyna ka howl geli doonaan 3-Xagalka Degmooyinka Ceeldheer, Ceelbuur iyo Xaradheere, Ciidamadaan ayaa ah kuwa Lugta, waxeyna dhaafeen xalay Degaanka Ceel Cadde.

Ciidamadaan ayaa waxaa la socday 900-Askari (Khabiiro) oo Ciidamada Eritrea ah ahaan Macallimiin, Madax Ungyo, Kooxda, Horinta iyo Ururka, kuwaasoo ku sugan Xeryaha Maslax iyo Gordon ee magaalada Mogadishu, waana laga reebay Ciidamada Eritrean-ka ah, iyadoo Saraakiil Soomaali ah loo xil saaray Howlgelinta Dagaalka Ciidamadaan.


Su’aasha Maanka Diiday ayaa ah 900 Oo Ciidamo Ajnabi ah maxaa Dalka Dowladdu u soo loo gelisay fasax la’aanta Baarlamaanka, Miyuu Madaxweynaha ku xadgudbay Shuruucad Dalka u degsan.

241700cookie-checkMa Dhabaa in Ciidamada Eritrea Laga Keenay loo Daadgureeyay Degaanada Galmudug

2 thoughts on “Ma Dhabaa in Ciidamada Eritrea Laga Keenay loo Daadgureeyay Degaanada Galmudug

  1. Bal adba! Ma anigaan yaabin Dhalinyaradaan 2000 oo Wadanka la keenay ayaa waxaa la socda 900 oo wata magaca Tababarayaal, Taliyayaal Unug, Koox Horin iyo Urur

Comments are closed.