Dagaalka Magaalada Laas caanood oo Maalintii 6-aad Galay & Khasaaraha ka Dhashay oo kordhay

Somalia news

Inkastoo Dagaal beeleed ka socda magaalada Laas caano uu galay Maalintii 6-aad isla markaasna uu khasaare xoogan uu dhaliyay gaar ahaan Dadka rayidka ayna geysanayaan Maleeshiyaadka Beelaha Waqooyiga, iyagoo dib u bilaabay erayga argagixiso’ oo ay uu adeegsanayaan dadka degaanka ee kula dagaalamaya xarunta Gobolka Sool ee Laascaanood…

Wararka ayaa sheegay in Duqeynta ay magaalada la beegsanayaan Maleeshiyaadka Muuse Biixi ayeey ku dileen mid ka mid ah Dhakhaatiirta Isbitaalka magaalada (Marxuum Cabdisalaan Muuse Siciid), Horjoogayaasha Somaliland oo xalay warbaahinta kula hadlay degmada Caynaba ayaa sheegay in xabbad-joojin hal dhinac ah ay samaynayaan oo aan shuruud ku xirneyn.

Dhanka kale Horjooge Muuse Biixi iyo Madaxa Maleeshiyaadkiisa (Tani), ayaa degaanada Beesha Habajeclo ka bilaabay qorista Dhaliyarada beeshani gaar ahaan Jufooyinka Soolamadow, Reer Yoonis iyo Cumar halka Odayaasha Baciido ay ku gacan seyreen, iyadoo guud ahaan Beelaha Isaaqa iyo Gadabuursiga loo kala diray Horjoogayaal iyo Lacago cash ah si loo soo xero geliyo Dhalinyarada looguna qoro Maleeshiyada Muuse Biixi.

Ila hadda lama yaqaano si qorshahani u hirgeli karo, maxaa yeelay Dagaalka 6-da maalmood socda ayaa khasaare balaaran ka soo gaaray Maleeshiyaadka ku sugan Farsiimada ku leeyihiin Buuraha ku gedaaman Magaalada, ku darsoo Maleeshiyaadkaan ayaa gurmadka looga soo diraa Degaanada Tukeraq iyo Og.

241670cookie-checkDagaalka Magaalada Laas caanood oo Maalintii 6-aad Galay & Khasaaraha ka Dhashay oo kordhay