Khilaafka Dowlada Iyo Puntland Oo Saameeyay Arday

Politics

Shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan bahda waxbarashada ayaa todobaadkii hore mar qura ku soo toosay go’aanka ay Wasaarada Waxbarashada ku xireyso iskuul 15 May, kuna soo afjartay hawlgalkii waxbarasho ee Macallimiinta Masaaridu ka wadeen dalka Somalia.

Qaraarka oo ku taariikheysnaa March 7, 2020 ayaa ku socday Sacad Maxamed Juuda oo ah madaxa ergada Masaarida, uuna wasiiru dowlaha wasaaradda waxbarashada Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle (jaabiri) ku farayo inuu banneeyo iskuulka ugu dambeyn 30-ka April 2020 si loogu wareejiyo machad lagu tababaro gabdhaha macalimiinta ah. Isla warqadda waxaa lagu xusay iney daba socotay qoraal ay wasaaradda  sheegtay iney ku codsatay in la soo afjaro hawlsha ergada oo ku taariikheysnaa  10-kii November 2019.

Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ayaa qoraal uu ku daabacay baraha bulsha ayaa  ku tilmaamay arrinka lagu xiray iskuulka 15 May mid lagu raaligelinayo Itoobiya ayna daba socotay dhiibistii Qalbi-dhagax iyo qaraarkii ay Jaamacadda carabta ee ku aadanaa webiga Nile ee Somalia inta taageertay ay ka laabatay.

Heshiiskan ay dowladda federaalka ah laashey waxaa uu ka dhigan yahay ciqaab iyo in waxbarasho la’aan noqon doonaan ardeyda kor u dhaafeysa 1000 kuwaasoo dhigta Dugsiyada 15 May, iyo tiro intaas la eg oo dhigata iskuullo ay Masaarida ka fureen Burtinle (Maxamed Kamaalu-diin Salaax) iyo Galkacyo (Misr Al-xadiisa).

iyadoo uu Khilaafka ugu weyn uu soo bilaawday kadib kulan Qaahira ku dhexmaray Wasiirka Waxbarashada dalka Masar Dr. Daariq Showqi iyo Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee dowlad Goboleedka Puntland  Cabdullaahi Maxamed Xasan iyo wafdigiisa, kulanka oo dhacay November 5, 2018 waxay Puntland dalbatay in laga taageero waxbarashada taasi oo loo balanqaaday, loona xilsaaray madaxa ergada Masar ee Soomaaliya Sacad Juuda oo kulanka joogay inuu daraasad sameeyo.

Mid ka tirsan wasiirradii hore ee wasaaradda oo isna la hadlay Goobjoog News, codsadana in magaciisa aan la xusin ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay in si loo furo machad lagu tababarayo gabdho macalimiin ah loo kala diro kun ardey, isaga oo sheegay in iskuulka oo furan macalimiinta lagu tababari karo hoolalka ama xilliga aaney waxbarashada jirin, waxaana uuna isweydiiyey halka ay ka baxeen iskuuladii Xasan Barsane iyo Jamaal Cabdinaasir oo laga sugayey dowladda iney wareejiso sida heshiisku ahaa.

26070cookie-checkKhilaafka Dowlada Iyo Puntland Oo Saameeyay Arday