Tirada Soomaalida Yurub ugu dhimaneysa Caronavirus oo sii kordheysa

Health

Waxaa sii Kordhaaya tirada dadka Soomaalida ee maalinbo maalinta ka dambeeysa daafaha dunida ugu Dhimaneysa caabuqa faafa ee Caronavirus, waxaa sidoo kale sii kordhaya dadka uu soo ridanaayo Bukaano cusub…

Dalalka Britain iyo Sweden ayaa noqday wadamada ugu badan ee dadka Soomaaliyeed ugu geeriyoodeen cudurka Caronavirus, waxaana hada isbitaalo iyo xarumo kale Caafimaadka cudurkan la jiifa Soomaali badan.

Dad ku dhaw 40-qof oo Soomaali ah ayaa cudurka Caronavirus mudo kooban ugu geeriyooday dalalka Britain iyo Sweden, waxaana dadkan cudurka u geeriyooday u badan yihiin dad da’ ah ay ku jiraan dad aad loo yaqaanay.

Sababta ugu weyn ee kiisaskan cudurka Caronavirus ku badiyey Soomaalida Yurub ayaa lagu sheegay in inta badan ay Soomaalida wada degan yihiin ama ay isugu tegaan xaafado gaar ah ay u badan yihiin.

Dowladaha qaar sida Holland, Finland iyo Norway ayaa bilaabay wacyi galino gaar ah oo ku socda Soomaalida kunool dalalkaasi si ay uga taxadaraan cudurkan faafa, waxaana lagu amray iney guryahooda ku negadaan oo aysan ka soo bixin.

26040cookie-checkTirada Soomaalida Yurub ugu dhimaneysa Caronavirus oo sii kordheysa