Maxaa Xilka Looga Qaaday Wasiiru Dowlaha H/Shabelle

Politics

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga soo sheegayaan in Xil ka qaadista degdeg ah ee Wasiiru Dowlaha Dastuurka ee Dowlad goboleedka H/Shabelle iyo Gudoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka, iyadoo uu qoraal uu soo saara Mr.Awaare xilka looga qaaday…

Xogtaan ayaa u tilmaamtay Diinah.com in Xil ka xayuubinta ay salka ku hayo 3- sababood Xildhibaanka, Waxaa ka dhashay Buuq, iyadoo degmada Jowhar la sheegay iney ka jirto xaalad kacsanaan ah.

Mr.Saadaq Mukhtaar Cabdulle oo sidoo kale ahaa Xildhibaan katirsan HirShabelle ayaa waxa looga shakiyey inuu taageersan yahay Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo inuu si hoose u waday abaabul ku aadan isku soo sharaxida Madaxweyne Kuxigeenka Maamulkaas oo hadda Cali Guudlaawe ku fadhiyo.

Sidoo kale waxaa lagu heystay ka qeyb galka Munaasabad lagu taageerayey Wabarka Cusub Ee Beesha Agoonyar Gaabane,oo dad ubadnaa Beeshaas ay ka qeyb galeen.

Madaxweyne Waare ayaa ku sheegay in Wasiirka uu jebiyey Amarkii Mamnuucida in la iskugu yimaado Kulamada iyo Xafladaha balse Labadaas Arin ayuu sababsaday Xilka Wasiirkaasi sida dadka lagu kalsoon yahay ay inoo sheegeen.

29070cookie-checkMaxaa Xilka Looga Qaaday Wasiiru Dowlaha H/Shabelle