Tirada Ciidamada USA ee Ka Howlgala Dalka Somalia oo la Kordhiyay..

Uncategorized

Warar ayaa laga helayaa Wasaarada Gaashandhigga USA ay kordhisay tirada Ciidamada ka jooga Dalka Somalia, iyadoo Ciidamadaasi ay markii hore ahaayeen 450-Askari, ayaa hadda la gaarsiiyay 900, sida ay weerisay The Grayzone oo soo xigatay Sarkaal sare oo ka tirsan Wasaarada…

Kordhintaan ayaa ku soo beegmatay xilli dhawaan u codeeyeen Aqalka Congress-ka u codeeyeen iney Ciidamada ka jooga Somalia ay baaqi ku sii ahaadaan sababo la xiriirta dagaalka kooxaha argagixisada, iyadoo mooshinka uu soo diyaariyay Xildhibaanka Matt Gaetz oo ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga.

Qaraarkaan ayaa la xaqiijiyay in lagu soo koobo Duqeymaha noocyada Diyaaradaha Dagaalka, iyadoo ay Codeyntaasi u dhacday in Xildhibanada Jamhuuriga 165 halka Xildhiibaanada Demuqaraadiga u codeeyeen 156, waxaa ka soo horjeestay 102 Xildhibaan.

Ciidamada USA ayaa kaalin muuqata ku leh la dagaalanka kooxaha argagixisada Somalia kuwaasoo xiligaan wajahaaya culeysyo iyo weeraro joogto ah oo ay qaadayaan Ciidamada Dowladda Federaalka iyo Dadka Degaanka, waxaana haatan la diyaarinayaa wajiga 2-aad ee gulufka dhanka ka ah Kooxda shababka, iyadoo diirada lagu saari doono Degaanada Jubooyinka, Bay iyo Bakool.

254460cookie-checkTirada Ciidamada USA ee Ka Howlgala Dalka Somalia oo la Kordhiyay..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com