Ma Dhabaa in Farsiinka Ciidamada USA ee Degmada Wajeer uu Khatar ku yahay Dadka Degaanka..

Africa News

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa heshiiska Iskaashi & Ciidan ee Kenya & USA dhawaan dhex maray, iyadoo Kenya lagu tilmaamay iney noqoneysa xulafada weyn ee aan NATO ahayn ay miisaamayso iskaashiga millatari ee ay la leedahay Maraykanka, Kenya waxa ay qaadaysaa culays badan, iyadoo aysan USA daaha ka qaadin in Kenya ay dhul dhan 50 acres u siisay Maraykanka si uu saldhig joogto ah uga dhiso Wajeer…

Waxaa Horey ugu sugnaa Garoonka Diyaaradaha ee Degmada Wajeer tiro Ciidamo iyo Farsamo yaqaano ku howlgala Diyaaradaha Drones-ka iyo kuwa Dagaalka, iyadoo hadda la xaqiijiyay in Ciidamada ka guuraaya Dalka Niger iyo Dalalka kale ee Africa ay dabayaaqada bisha 9-aad ee Sanadkaan ayna soo deji doonaan magaalada Wajeer marka la dhiso Dhismayaal cusub oo ay degaan Ciidamada USA.

Xuuraanka ayaa muujinaaya in Saldhigga uu ku fadhin doono 50-Hector kuna dhow xeryaha Ciidamada Kenya, waxaana ka mid ah Saldhigga Ciidanka Cirka ee Wajeer, Garoonka Diyaaradaha ee Wajeer, Xeradda Amaanka Xuduudaha iyo Xeradda Ciidanka Wajeer oo dhamaantood ku dhex yaalla xayndaab isku mid ah, waxaana aad u kordhay weerarada kooxda Shababka ee Degaanada Waqooyi bari ee Kenya.

Dalalka Geeska Africa ayaa la xaqiijinayaa in Dowlada Mareykanka ay kala kulmayaan caqabado gaar ahaan Fariisimada Dalka Djibouti, waxeyna Pentagon-ka go’aansadeen iney si tartiib ah uga guuraan fariisimada Dalkaasi kadib markii dhowr isku dhaceen Ciidamada China, Waxaa marqaati ma doonto ah in Dowlada Mareykanka ay xiriir wanaagsan la laheyd Dalalka Djibouti iyo Ethiopia, kaasoo xiligaan sii laciifaya, halka Tanzania iyo Uganda la xaqiijiyay inuusan sidii hore aheyn, ku darsoo Ruwanda iyo Burundi uu qabow yahay, waxaa la sheegay iney ku fashilmeen USA iney Xakameeyaan UAE ineysan xasilooni darro ka abuuraan Dalka Sudan oo hadda u gacan haatinayaan China iyo Iran iney Fariisimo Ciidan siiyaan.

Isku soo hoori, Marka Fariisimada Kenya USA maxey ku soo kordhin karaan!? Mase la oran karaa iney baxsad ka yihiin Dalalka ay cadaawada kala dhaxeyso ee Russia, China iyo Iran, Dalka Kenya horey waxaa Fariisimo KMG ah ku lahaa Ciidamada UK kuwaasoo dhibaatooyin u geystay Dadka degaanka marka ay tababarada dab-ridka (Leyliga) ku sameynayaan.

329000cookie-checkMa Dhabaa in Farsiinka Ciidamada USA ee Degmada Wajeer uu Khatar ku yahay Dadka Degaanka..