Egypt Oo Somalia Ugu Deeqday Agab Caafimaad

Africa News Somalia news

Jamhuuriyadda Carabta Egypt ayaa Dowladda Federaalka Somalia ugu deeqday Agab Caafimaad oo ujeedka loogu talagalay ah in wax looga qabto Covid-19 sida ay mas’uuliyiin u kala hadashay labada Dowladood, Warbaahinta Egypt waxa ay kaalmadaan ku sifeeyeen xoojinta xiriirka labada Dowladooda & Walaaltinimada fog ee ka dhaxeysa…

Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Masar ayaa dhiggeeda Somalia ugu talagalay deeqdaan iney u adeegsato dagaalka ka dhanka ah faafitaanka Covid-19 oo todobaadyadii tagay xaalado cusub la diiwaangeliyay, Deeqdaan waxaa lagu soo qaaday Diyaarad Ciidan oo ay leedahay Masar, sagootintii Qaahira waxaa ka qaybgalay xubno uu kamid yahay Danjiraha Somalia ee u fadhiya dalkaas Ilyaas Sheekh Cumar.

Dowladaha Muqdisho & Qaahira waxay ku heshiiyeen in sare loo qaado cilaaqaadka labada dal, Ganacsiga, Deeqaha iyo waxbarashada oo heer hoose gaaray sanadii dambe, Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar ayaa August 2021 ballanqaaday in kaalintooda ay kasoo bixi doonaan.

143500cookie-checkEgypt Oo Somalia Ugu Deeqday Agab Caafimaad