6-Dal Oo Qaarada Afrikaan ah oo soo Rogay Xayiraado Internet-ka ah & Sababta…

Africa News

Shirkad dhinaca Amniga Internet-ka ka howlgasha ayaa Shaaca ka qaaday in 6-Dal oo Qaarada Africa ka tirsan oo ay ku jirto Dslka Sudan oo dagaalada sokeeye ka socdaan ay soo togeen xadidaado internet-ka gudaha Dalalkooda qeybtii hore ee Sanadkaan 2023…

Shirkadda Surfshark oo fadhigeedu yahay Holland ayaa welwel ka muujisay xadidaada, waxeyna Dalalkaasi kala yihiin Ethiopia, Guinea, Mauritania, Senegal, Sudan iyo Tanzania, iyadoo sheegtay in Dalka Ethiopia uu Naamulja ku sababeeyay xayiraada dagaalkii Qowmiyadaha ee Dadka badan ku dhinteen, inkastoo heshiiska nabadeed kadib dib loo fasaxay.

Waxaa la sheegay in Dalka Sudan ay weli ka jirto xayiraada, iyadoo saameynta dagaalada sokeeye ay ugadii dareen isticmaalka internet-ka waxeyna waxyeelo u geystern kaabayaasha dhaqaalaha iyo Korontadii oo laga jaray degaano badan oo Kooxaha Mucaaradka gacanta ku hayaan.

268800cookie-check6-Dal Oo Qaarada Afrikaan ah oo soo Rogay Xayiraado Internet-ka ah & Sababta…