Maxey Dhalinyaradu Dib ugu Xiisaayaan Mobile-dii Hore una Diidayaan kuwa Casriga ah..

Tech World

Sida lagu xusay daraasad ay sameysay Harvard University, isticmaalka baraha bulshada ayaa shida isla qeybta maskaxda ee sidoo kale shaqeysa marka la isticmaalayo daroogo la qabsi leh, Talaaabadaan ayaa dhalisay walaacyo ku saabsan dhaqamada isticmaalka telefoonada ee Dhalinyarada..

Baaritaanada Daraasadaan ayaa lagu qiyaasay in ilaa rubuc ka mid ah Caruurta da’doodu tahay shan ilaa toddoba ay haatan leeyihiin telefoon casri ah oo u gaar ah, Daraasadaha qaar ayaa isla xiriirinaya isticmaalka baraha bulshada iyo saameyn taban ah oo caafimaadka maskaxda ah – gaar ahaanna caruurta.

Daraasada ayaa iftiimisay in Iibka iyo Dalabka telefoonnadii hore ay ka kordheen Dalalka Waqooyiga Ameerika, Dumbwireless oo ku yaalla Los Angeles, milkiilayaasha dukaamadaaasi Daisy Krigbaum iyo Will Stults ayaa u adeega macaamiisha doonaya qalab teknolojiyaddiisu hooseyso.

“Waxaa noo yimaada waaliddiin badan oo doonaya inay telefoonkii ugu horreeyay u iibiyaan ilmahooda, mana doonayaan inay internet-ka ku mashquulaan,” ayuu yiri Mid kamid ah Ganacsatada iibiya Taleefonadii hore.

330930cookie-checkMaxey Dhalinyaradu Dib ugu Xiisaayaan Mobile-dii Hore una Diidayaan kuwa Casriga ah..