Agaasimaha Hey’adda Qaxootiga Oo Ku soo Wajahan Magaalada Mogadishu

Somalia news World

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta oo todobaadkan howlo shaqo u joogay dalka Switzerland ayaa waxaa uu la kulmay Filippo Grandi, oo ah Agaasimaha Hey’adda Qaxootiga Aduunka ee UNHCR…

Agaasimaha Hey’adda UNHCR Filippo Grandi ayaa hoosta ka xariiqay in Hey’adiisa iyo kuwo kale ee Gargaarka fidiya ay Somalia ka taageeri doonaan dhinacada gargaarka Qeybinta iyo Saadka, wuxuu kaloo bogaadiyay dadaallada Dowladda Federaalka ee xal loogu helayo Abaaraha, Qaxootiga, Barakacayaasha gudaha iyo arrimo kale isaga oo ballanqaaday in qorshayaasheeda sida xalka waara uu ka dhigi doonno arrimaha hortabintiisa ah.

Ugu dambeyntii, Filippo Grandi waxaa uu kulanka ka sheegay inuu booqasho ku iman doono Somalia todobaadka soo socda, uuna kullamo kala duwan Muqdisho kula qaadan doono Madaxda sare ee Dowladda Federaalka ah si looga munaaqishooda Abaaraha iyo qodobo kale.

218880cookie-checkAgaasimaha Hey’adda Qaxootiga Oo Ku soo Wajahan Magaalada Mogadishu
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com