Ma Dhabaa in Dhismayaashii iyo Dhulalkii Ciidamada Boliiska Boob iyo Xaraash lagu Iibinaayo…

Security Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa cabasho dhan ka ah Mas’uulka ugu sareeya Boliiska oo ay soo saareen Tiro Saraakiil ah, iyagoo ku eedeeyay inuu Iibinaayo Dhulalkii iyo dhismayaashii Boliiska, Musuq baahsan iyo inuu liis ay ku qoran yihiin 280-Saaraakiil oo loo dalacsiinayo xilal sare oo ka tirsan Booliska Federaalka Somalia…

Xogtaan ayaa sheegtay in eedeynta saraakiishan ee ah in dalacsiintan ay tahay mid sharci darro ah oo uu ka dambeeyo Taliyaha Boliiska Soomaaliyeed Sulub Axmed Firin, oo la hadal hayo in lagu beddeli doono, Liiskan waxaa ku jira xubno dhawaan ka soo goostay kooxda argagixisada ah ee Shabaabka, saraakiil xigeeno oo Boliiska ka tirsan, iyo Dad rayid ah oo la sheegay in ay laaluush bixiyaan si ay u helaan darajooyin Boliiska oo aan la qaadan.

Waxaa marqan ma doonto ah in Dhulalkii xeryaha Laanta Socotada, Farsiinka Caga-dhiig, Xarumihii Dab-damiska iyi Hogaankii Dhismaha Boliiska intooda badan laga iibiyay Ganacsato, Fadeexadan oo ah middii ugu weyneyd ee soo marta Ciidamada Boliiska Soomaaliyeed ayaa saameyn weyn ku yeelan karta Laamaha Amaanka hadii aan si deg deg ah looga hor tagin.

334630cookie-checkMa Dhabaa in Dhismayaashii iyo Dhulalkii Ciidamada Boliiska Boob iyo Xaraash lagu Iibinaayo…