Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Hoteelka Afrik

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa howlagalkii ay Xoogaga Amniga ayaa xalay saqdii dhexe soo afjaray weerarkii ay koox ka tirsan maleeshiyaadka Shababka ku qaadeen hotelka Afrik, kadib sagaal saac oo uu dagaal ka dhex socday gudaha hotelka kaasoo ka dhashay khasaare dhimsho iyo dhaawac isugu jira…

Wararka hordhaca ah ayaa sheegay in la xaqiijiyay ay hotelka ku dhinteen 11-qof oo ay ka mid yihiin General Maxamed Nuur Galaal oo ku jiray hoteelka, iyo nin lagu magacaabi jiray Cabdullahi Nuure Siyaad, waxaa kaloo ka mid ahaa 4-Dabley ee Weerarka ku qaaday Hotelka.

Weerarkan ayaa ku bilowday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo lagu dhuftay albaabka hore ee hotelka, waxaana xigay dabley hubeysan oo gudaha u galay hotelkaasi, kuwaa oo 9/-saacadood ka dhex dagaalamayay, waxeyna wateen Tuutaha Ciidamada Dowladda Federaalka, kuwaasoo ku Hubeysan Qoriga Pim-ka.

Hoteelka ayaa xiligaasi waxaa ka socday kulan ay lahaayeen Odayaasha iyo Saraakiisha ka tirsan Dowladda Kana soo jeeda beesha Ceyr markii uu weerarka dhacayey iyagoo ka arrinsanaayay kiiska guddoomiyihii dhawaan la dilay ee degmada Hodan Cabdixakiin Dhegajuun.

91100cookie-checkWararkii Ugu Dambeeyay Ee Hoteelka Afrik