RAISEDON ZENENGA OO LOO MAGACAABAY KU-XIGEENKA ERGAYGA GAARKA AH EE QM EE SOMALIA..

Somalia news

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Mr.António Guterres ayaa ku dhawaaqay magacaabista Mr.Raisedon Zenenga oo u dhashay dalka Zimbabwe inuu noqdo Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Howlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM)..

Mr. Zenenga waxa uu bedelay Mrs.Anita Kiki Gbeho oo u dhalatay Ghana, taasoo uu Xog-hayaha Guud uga mahadceliyay hawlihii ay ka qabatay Somalia, Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee la magacaabay ayaa waxa uu hore uga soo shaqeeyay Dalal badan ay ka mid tahay Dalka Libya (UNSMIL) tan iyo 2020.

Wuxuu waayo-aragnimo ka badan 30-sano u leeyahay Qamarada Midoobay, oo ay ka mid yihiin hawlgallada Qaramada Midoobay ee dalalka Laybeeriya (Liberia), Liibiya, Ciraaq-Kuweyt, Siiraliyoon(Sierra Leone) iyo Koonfurta Suudaan, iyo sidoo kale Xarunta-dhexe ee Qaramada Midoobay.

Mr. Zenenga wuxuu xirfadiisa shaqo ka soo bilaabay Adeegga Diblomaasiyadeed ee dalkiisa, Mr. Zenenga ayaa ka qalin jabiyay Jaamacadda Zimbabwe, halkaas oo uu ku bartay maamulka guud iyo cilmiga siyaasadda.

304390cookie-checkRAISEDON ZENENGA OO LOO MAGACAABAY KU-XIGEENKA ERGAYGA GAARKA AH EE QM EE SOMALIA..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com