Xoogaga Amaanka Puntland Oo Xabsiga Dhigay Wariye Arrimaha Bulshada Ka Faalooda…

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Maamulka Puntland ayaa sheegaya in halkaasi lagu xiray Wariye wax ka qora Arrimaha Bulshada, kaasoo ka faalooday Isbaarooyinka Xoogaga Gadoodsan ee Amaanka Puntland iyo dhibaatooyinka ay ku hayaan Gadiidka iyo Socotada…

Wararka ayaa sheegaya in Laanta Baarista Dembiyada C.I.D Puntland ee C ayaa su’aalo weydiin ugu yeertay Wariye Saciid Nadaara kadibna xabsiga dhigay sida ay wararku sheegayaan, waxaana lagu eedeeyay inuu wax ka qoray Dhibaatada ay Ciidamada Maamulku ku hayaan Gadiidka iyo socotada oo joogto noqtay.

Wariyahaan ayaa waayahaan dambe soo gudbinayay warar la xiriira Canshuuro (Baad) la kordhiyay, Adeegyada Maamulka Dani oo lacago ku kordhiyay iyo dhaqaale ka baxsan Canshuurta oo Gaadiidka looga qaado kontoroolka waqooyi ee Gaalkacyo.

334740cookie-checkXoogaga Amaanka Puntland Oo Xabsiga Dhigay Wariye Arrimaha Bulshada Ka Faalooda…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com