Maxaa Hogaamiyayaasha Siyaasada u Door Bidaan Xaalad Abuur iyo Muddo Kororsi Ama Dagaal Sokeeye..

Somalia news

11-kii sano ee u dambeeysay Hogaamiyayaasha Siyaasada Gadisleyda Soomaalida ayaa waxaa dhaqan xumo u noqday iney Xasaradaha la abuuro dhamaadka muddo xileedkooda, iyagoo u muuqtaa xirfad Aduunka duug ka ah, balse u cusub madaxda Soomaalida, In aan muddo xileedka la ixtiraamin ayaa madaxda Soomaalida ku xooggan waqtigaan…

Ku darsoo, Siyaasiyiintaan Danleyda ah ayaa Mararka qaar ma rabaan inay hanaankaas tartan ku galaan ee waxay noqon kartaa mid ay ku raadinayaan buuq iyo isqab-qabsi ay ku sii dheereysan karaan maalmaha xukunka, Shalay Xasan Sheekh, Axmed Madoobe, Muuse Biixi, Farmaajo iyo Maanta Xasan Sheekh iyo Saciid Dani, Xiligaan Dalka Dan uma ahan in Rabitaanka Shaqsiga lagu qasbo Shacbiga.

Waa adag tahay Hogaanada Siyaasada Soomaalida la yimaadan qorshe iney dhamaadka muddo xileedkooda dhaqan u dhigma midka ka muuqda maalinta ay xukun doonka yihiin, tusaale, Shacbiga Puntland waxay hadda isha ku hayaan labada kiis ee isa saaran muddo kororsiga iyo hanaanka doorashada uu dejiyay Dani, Saciid Deni waxaa ku adkaan doona in 45 maalmood ee soo aadan uu kala xusho Dhiig daadin iyo tanaasul inkastoo aysan muuqan ifafalo Heshiis oo meel dhexdhexaad la isugu yimaado.

Halka Xasan Gurgurte uu qorsheystay inuu baa’biyo Nidaamka hadda shaqeeya ee Madaxweyne iyo Ra’iisul wasaare kuna bedelo Madaxweyne iyo Kuxigeen iyo 2-Xisbi, In laga guuro nidaamka hadda jira, waxay u baahan tahay in la helo ama u suurta-geli kartaa in Baarlamaanka Dalka seddax meelood u codeeyo labo ka mid ah ay ogolaadaan.

289160cookie-checkMaxaa Hogaamiyayaasha Siyaasada u Door Bidaan Xaalad Abuur iyo Muddo Kororsi Ama Dagaal Sokeeye..