Durbaanada Colaadeed iyo Gad-Gadoonka Siyaasada aan Cilmiga ku Fadhin ee Geeska Africa Oo Qarka u Saaran Dagaal…

Africa News Somalia news

Xuuraano sirdoon ayaa daaha ka roogaya in Durbaanada la tumaayo ee colaadeed iyo Ged-Gadoonka Siyaasada aan fadhin ee geeska Qaarada Africa ayaa isku bedelay Isbaheysiyo 3 Xagal ah oo cadow isku aqoonsanaya, ifafaalaha ayaa muujinaaya in Eritrea, Djibouti iyo Somalia ay dhisayaan Isbaheysi dhan ka ah Ethiopia…

Xogo loo qaateen ah ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijiyay in Dekeda Berbera ay noqotay Xarun Hubka iyo Saanada looga soo dejiyo Kooxda RSF ee Sudan, waxaana howlahaasi faraha kula jira Ethiopia iyo UAE, ku darsoo xilli oo xaaladdu ku kacsan tahay bey ku jiraan Xulafada, xagga Hargeysa & Addis Ababa, haddii Abiy-ga Ethiopia uu ku dhiirado inuu garab siiyo Maamulka Mr.Biixi waa isagoo saxiixda Heshiis rasmi ah, oo markaas u bareera dhulgariir aan sahal aheyn.

Xuuraano loo qaateen ah ayaa xaqiijiyay in Madaxweynaha Somalia uu uga digay in Xildhibaanada ka soo jeeda Gobolada Togdheer iyo Waqooyi Galbeed aan teegaaro u muujin gooni-goosad (Somaliland) isla markaasna aan aragtideeda la faafin karin oo ay la mid tahay aragtida Argagixisada dambi la galay.

Ku darsoo Madaxweynaha Djibouti Mr.Ismaaciil Cumar Geelle ayaa u sheegay Madaxda SSC-KHAATUMO, inuusan gorgortan ka galeynin Madaxbanaanida Somalia, waxaana si hoose u wadaa qorshe lagu tababaraayo 550 ilaa 750 Askari oo u badan Beelaha Ciise iyo Gedabuursi kuwaasoo tababar dhamaad ugu yahay xeryo Ciidan oo ku dhow Degmada Cali Sabiix ee Dalka Djibouti, qaar kamid ah ciidankaas ayaa lagu wadas iney galinaan gudaha Degaano ka tirsan Gobolka Awdal ee Somalia.

335090cookie-checkDurbaanada Colaadeed iyo Gad-Gadoonka Siyaasada aan Cilmiga ku Fadhin ee Geeska Africa Oo Qarka u Saaran Dagaal…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com