Gaari Qarax Miino Lagu Xiray oo ka Dhacay Xaafada Beexaani..

Somalia news

Faahfaahin kala duwan ayaa laga helayaa Qarax xoogan oo laga maqlay Xaafado badan magaalada ka tirsan wuxuuna ka dhacay xaafada Beexaani ee Degmada Shibis ee Gobolka Benaadir, iyadoo la sheegay in Miinada dhejiska lagu dhejiyay inkastoo aan khasaare ka dhalan…

Wararka ayaa sheegay in Gaariga Qaraxa lagu xiray uu yaalay ka soo horjeedka Maqaayada Rajo, iyadoo la sheegay in Milkiilaha Gaariga uu xiligaasi ka maqnaa isla markaasna aysan jirin wax khasaare oo ka dhashay, waxaana goobta soo gaaray Xoogaga Amaanka oo aagaadi xiray.

Weli lamana xaqiijin Milkilaha Gaariga shaqsiga uu ahaa ee ka badbaaday Qaraxa loogu xiray, hase yeeshee waxaa qaraxaan uu ku soo aaday xili xaalada Amni ee magaalada Mogadishu uu maalmihii ugu dambeeyay faraha ka baxay, Maamulka Villa Somalia lagu eedeeyay inuu ka gaabiyo Xalinta Amaanka Caasimada.

269100cookie-checkGaari Qarax Miino Lagu Xiray oo ka Dhacay Xaafada Beexaani..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com