Ma Dhabaa in Xildhibaan Faarax Macalin laga Saaray Xisbigii uu ka Tirsanaa & Sababta..

Africa News Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Go’aan ay soo saareen Guddiga Fulinta Qaranka ee Xisbiga Wiper Party (NEC) ee Dalka Kenya, kaasoo qalinka ku duugay in Xildhibaanka laga soo doorto Degmada Dhadhaab ee Faarax Macallin laga eryo garabka Siyaasada ee Mucaaradka sababo la xiriira hadallo deelqaaf ah oo uu dhawaan ka sheegay dibad-baxayaal Kenyan ah oo dhallinyaro u badnaa…

Xildhibaan Faarax Macallin mar uu la hadlayay dad Soomaali ah, xaflad ka dhacay magaalada Nairobi ayaa wuxuu sheegay in haddii uu ahaan lahaa Madaxweynaha Kenya, uu “ gowraci lahaa 5,000 oo Mudaaharaadayaasha Dhalinyarada ah ee Gen Z ” hadalkaasi ayaa ku beegmay xilli dhawaan ay socdeen Mudaaharaadyadii ka dhanka ahaa sharciga maaliyadda ee Dalkaasi.

Sidoo kale Xildhibaan Faarax Macalin ayaa u barwo u diray Gudiga qaabilsan ilaalinta Wadajirka Umadda iyo ka hortaggga hadalka Xanafta abuuraya, kuwaasoo waydiin doona faarax macalin hadalka bulshada Kenya ka carootay ee uu fagaaraha ka sheegay.

335150cookie-checkMa Dhabaa in Xildhibaan Faarax Macalin laga Saaray Xisbigii uu ka Tirsanaa & Sababta..