Ma Dhabaa In Wasiirka Arrimaha Dibeda Uu Safar Qarsoodi Ah Ku Tagay W/Gaalkacyo

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga soo sheegaya in Wasiirka Arrimaha Dibeda ee Somalia uu Safar qarsoodi ku tagay waqooyiga Magaalada Gaalkacyo, isagoo halkaasi kulamo kula yeeshay Odayaal Dhaqmeed ka tirsan Beesha Cumar Maxamuud…

Xogtaan Ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in Wasiirka Arrimaha Dibeda Mr.Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud uu safar qarsoodi ah ku tagay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo, waxaana garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyay 43-xubnood oo degaanka ah kuwaasoo kala ah(Liiban Carab-duur, ina Sheekh Xasan Af-guriye iyo Sarkaal hore Boliiska ah magaciisana lagu sheegay Ibraahim).

Safarka Wasiirka Arrimaha Dibeda ee Dowladda xil gaarsiinta ayaa lagu sheegay inuu xusul duub ugu jiraa sidii uu kursi Xildhibaan oo uu ku metelo Beeshiisa iyo Puntland, iyadoo la wada xusuusan yahay in Dhowaan khudbad uu ka jeediyay Qaramada Midoobay uu ku eedeeyay Puntland iyo Jubbaland iney hortaagan yihiin Doorasho ka dhacda Dalka.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in dhaqaale ay ku yabooheen Madaxtooyada Villa Somalia iyo Dalka Qatar si Uu Odayaasha Dhaqanka Beeshiisa ugu soo xulaan inuu Xildhibaan ka noqdo Baarlamaanka Federaalka oo dhowaan la soo xulaayo.

131240cookie-checkMa Dhabaa In Wasiirka Arrimaha Dibeda Uu Safar Qarsoodi Ah Ku Tagay W/Gaalkacyo