Wabiga Shabeelle oo ku fatahay Xaafado ka Tirsan Baledweyne..

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa fatahaad uu Wabiga Shabeelle oo ku fatahay Xaafado ka tirsan Magaalada Baledweyne, iyadoo dhowrkii maalmood ee u dambeeyay keenay biyo aad u farabadan, islamarkaana laga cabsi qabay inuu fatahaad sameeyo…

Wararka ayaa sheegay in xaafadaha Kooshin, Howlwadaag iyo Buundaweyn ayuu karkaarada ka jabsaday Wabiga Shabeelle oo dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay waday biyo aad u farabadan, iyadoo Maanta xaafadaha magaalada Baledweyne ka socda barakac aad u baahsan oo sameynayaan dadka ku dhaqan gudaha magaalada Baledweyne, kuwaasoo u barakacaya dhulka taaga ah oo aysan biyaha gaarin si ay uga baxsadaan halista ka dhalan karta biyaha wabiga Shabeelle.

Degaanada ugu badan ee barakaca uu ilaa Xalay ka socda ayaa waxaa ka mid ah Xaafadaha Kooshin, Howlawadaag iyo Buundaweyn, mana lasoo warin cid wax ku noqotay maadama dadku ay si aad ah uga feejignaayeen inuu fatahaad sameeynayo wabiga Shabeelle.

Afartii sano ee lasoo dhaafay laga baaqsaday in fatahaad looga barakaco xaafadaha Baledweyne, maadama la sameeyay biya xireeno waa weyn oo sabab u noqday inaan laga barakicin biyabaxo, hayeshee afar sano kadib barakacii fatahaada ayaa halkiisa ka bilaawday.

255020cookie-checkWabiga Shabeelle oo ku fatahay Xaafado ka Tirsan Baledweyne..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com