Hogaanka Waxbarashada ee Kooxda Demu Jadiid Oo Shaqada Ka Eryay Macallimiin Kaadiriina Qortay…

Education Somalia news

Qeylo dhaan ayaa ka soo yeereysa Hanaanka Shaqo qorista ee Wasaarada Waxbarashada ee Dowlada Federaalka, kadib markii Faarax Sakiin (Wasiirka) uu dariin u diray Tiro badan oo Macallimiin ah uu Qabdaraaskooda shaqada ku eg tahay 31-ka Agoosta ee Sanadkaan, iyadoo uu booskooda lagu buuxiyay Kadiriin ka tirsan Xisbiga Demu Jadiid…

Maclimiintaan oo isu soo bax dhigay ayaa Waxay soo qaateen boorar ay ku qoran yihiin farriimo ay ku jirto “Macalin soo shaqeeyay 11 sano in la yiraahdo iska bax cadaalad miyaa?” waxaa xusid mudan in hal ku dhigyo kale ay ku qoraayeen boorarka ay Macalimiintu wateen maanta, waxaana ka mid ahaa hal ku dhigyada kale “100-kii hore banaanka gey ee boqol kale boosas sii cadaalad maaha.”

Macaalimiinta warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in shaqada loo qaatay sanadkii 2015-kii, kadib markii wasaaradda waxbarshada ay u baahatay barayaal dugsiyada dowladda wax ka dhiga, “Shaqadaan waxaan u galnay imtixaan, waxaana sidaas nagu qaadatay wasaaradda 7 sano ka hor,” ayuu yiri mid ka mid ah macalimiinta.

Cabashada Macalimiintaan waxay ku soo aadeysaa iyadoo Wasaaradda Waxbarashada ay dhawaan shaacisay inay qaadaneyso 3,000 oo Macalin, halka sanadkii hore ay qaadatay oo shaqaaleysiisay 3,000 oo kale, qorshaha Maamulka Xasan Gurgurte ayaa ah in Kaadiriinta ka soo aflaxda Jaacamada iyo Dugsiyada ay Maamulaan u qaadataan Macalimiin waana ayaan darro in Waxbarashadii la geliyo Eex iyo Musuq.

335720cookie-checkHogaanka Waxbarashada ee Kooxda Demu Jadiid Oo Shaqada Ka Eryay Macallimiin Kaadiriina Qortay…