Ergeyga Abaaraha Ee Madaxweynaha Oo Booqday Isbitaalka Benaadir

Somalia news

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha u qaabilsan arrimaha bani’aadanimada iyo gurmadka Abaaraha C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa booqday Isbitaalka Banaadir, halkaasoo la dhigay carruur nafaqo-darro soo wajahday oo laga keenay deegaanada abaaraha ay saameeyeen…

In ka badan 200 oo carruur oo nafaqo-darro heysa ayaa la dhigay Isbitaalka Banaadir, sida ay xaqiijiyeen Maamulka Isbitaalka. Qoysaska ka soo barakacay deegaanada abaarta ayaa badankood ayaa ka soo luggeeyay deegaanada abaarta ka jirta, qaarkood ayaa inta jidka ku soo jireen carruurtooda u dhimatay nafaqo-darro.

192880cookie-checkErgeyga Abaaraha Ee Madaxweynaha Oo Booqday Isbitaalka Benaadir