Dabley Hubeysan oo Ganacsade Soomaaliyeed Afduubtey Ku Afduubtay Dalka Konfur Africa…

Africa News Somalia news

Fashfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Dabley hubeysan oon heybtooda la aqoon ayaa maalintii Sabtida aheyd ka afduubtay magaalada King William’s Town ee Dalka Koonfur Afrika, Ganacsade Soomaaliyeed oo muddo ku noolaa Magaaladaasi, iyadoo welwel laga muujiyay Xaalada Ganacsadaha..

Wararka ayaa sheegaya in Xaaji Cabdiraxmaan Xaaji Maxamuud, oo ka mid ahaa Ganacsatada Soomaaliyeed ee degan Magaalada King William’s Town, iyadoo Kooxo hubeysan oo watay gaadiid ayaana la sheegay in jidka u galeen Ganacsadahan Soomaaliyeed oo isna gaari watay, waxaaba la sheegay in baabuurtii ay wateen ku qaateen, lamana hayo ilaa hadda xogta goobta ay la aadeen.

Xoogaga Amaanka ee magaalada King William’s Town ayaana lagu wargeliyay Dhacdadaan Ganacsadahaan qabsata, waxeyna Boliisku sheegeen iney wadaan baaritaanno lagu baadigoobayo Ganacsadaha, Ehelada Ganacsadaha ayaa welwel ka muujiyay Bad-qabka Ganacsadaha, waxeyna codsi u direen Dowladaha Somalia iyo South Africa.

Dalka Konfur Afrika ayaa marar badan lagu afduubtay Ganacsato Soomaaliyteed oo qaarkood lacago madax furasho ah lagu soo daayay, Kooxaha burcada ayaana lala wadaagaa xogta Ganacsatada lacagaha badan heysta, si ay u afduubtaan ugana helaan lacago madax furasho ah.

335750cookie-checkDabley Hubeysan oo Ganacsade Soomaaliyeed Afduubtey Ku Afduubtay Dalka Konfur Africa…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com