Degenaasho La’aanta Siyaasadeed Oo Fursad Siineysa Kooxaha Argagixisada

Somalia news

Somalia oo xiligaan kala guurka ah waxey dhex maaxeysaa xasarado iyo khilaafyo siyaasadeed, kuwaasoo isku bedeli kara dagaal sokeeye oo dhiig faro badan ku daato, isla markaasna fursad siisa Kooxaha argagixisada si ay Dib igu soo abaabulaan….

Kulanka Dhuusa mareeb Iyo Heshiis la’aanta Madaxda Dowlada iyo Maamulada Gobolada, ayaa waxey mugdi geliyeen doorashada 2020 / 2021, Talaabadaan oo si weyn ugu soo horjeesteen Shacbiga Soomaaliyeed iyo Daneeyayaasha Arrimaha Somalia ee doobaya iney ka qeyb qaatan Horumarka dalka kuwaaso u arka in lajoogo xiligii si nabad u dhaco isbedel.

Argagaxisada Shabaabka oo ah koox ay maalgaliyaan dowlado cadow ku ah Somalia ayaa fursad wayn u arkaa isqabqabsiga siyaasadeed ee katagan gayiga dalka maadama shaki wayn lagaliyay ineey doorasho dhaceyso.

Kooxdaan oo hada u abaabulan Qaab ah “ku dhufo oo ka dhaqaaq” lehna awood ay ku fuliso weeraro argagax leh, hadii aan heshiis mideysan ay gaari waayaan kooxaha ku shirsan Dhuusa mareeb, waxey fursad siin doonaan in Kooxaha argagixisada ay Dib u qabaadaan Degaanada hadda Nabada ah.

49580cookie-checkDegenaasho La’aanta Siyaasadeed Oo Fursad Siineysa Kooxaha Argagixisada