Shabakada Shirkadaha iyo Shaqsiyaadka u Xil Saaran Dhaqida Lacagaha Baada ee Kooxda Shabaabka..

Somalia news U.S.

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Shabakad balaaran oo isku xiran Shirakado iyo Shaqsiyaad ku howlnaaa dhaqida Dhaqaalaha Baadka ee Kooxda Argagixisada Shababka macaasha ka sameeyaan kuwaasoo ayaa xayiraad kuu soo rogtsy Waaxda Maaliyada USA…

Waaxda Daba galka ee Hantida dibadda ee Wasaarada Lacagta USA ayaa soo saartay liis 16-Shirkado iyo shaqsiyaad Ajaaniib iyo Soomaali ah kuwaasoo xarumo ku leh UAE, Kenya, Qubrus, Finland iyo Somalia, waxaana lagu soo rogay xayiraad, iyagoo laguna eedeeyay iney u dhaqaan dhaqaalana u ururiyaan kooxda Argagixisada Shabaabka oo ka dagaalanta Bartamaha iyo Konfurta Somalia.

Shirkadaha & Shaqsiyaadka la xayiray

Mid ka mid ah Shirkadaha ayaa fadhigeedu yahay Magaalada Dubai, waxeyna faracyo ku leedahay Finland, Kenya Qubrus, Uganda iyo Somalia, waxaana lagu magacaabaa Haleel Commoditeis LLC, sidoo kalana waxaa loo yaqaanaa Haleel Group, Shirkadaan ayaa Faracyo ku leh Finland, Kenya,Uganda, Qubrus iyo qaybteeda Elaktarooniga ee Somalia ayaa ayaa lagu yiri Warbiixnta.

Shirkada Qemat Al Najax General Tradinga oo fadhigeedu yahay dalka Imaaraadka ayaa kuwa lagu sheegay warbixinta, taasoo Maraykanku ku eedeeyey inay gacan ka gaysatay maareynta iyo u wareejinta lacagaha al-Shabaab ee xiriirka la leh Kooxda Haleel.

Shaqsiyaadka Somali iyo Ajaaniib

Faysal Yuusuf Diini (Diini) oo fadhigiisu yahay (Nairobi) Kenya ayaa lagu tilmaamay Fududeeyaha dhaqista Lacagaha ee Aragagixisada Shabaabka kaasoo kooxda Haleel iyo qaar ka mid ah hoggaankeeda ka caawiya iney lacagaha u xawilaan kooxda Shabaabka ayaa lagu yiri War-safaaxadeedka Maraykanka.

Maxamed Jumcaale Cali ‘Cawaale’ oo fadhiisu yahay Kenya ayeey Sirdoonka Maraykanku sheegeen iney isla qorsheeyeen Mashaariic Maalgashi iyo dhaqdhaqaaqyo lacag-dhaqidda ah, waxaa kaloo ka mid ah Shirkadda Adeegga Crown Bus Services ee fadhigiidu yahay Nairobi Kenya, Adeegga Bus-ka Crown ayaa sidoo kale taageeray hawlgallada Saadka ee kooxda Shabaabka.

-Dadka lagu xusay warbixinta waxaa ka mid ah, Xasan Cabdirixmaan Maxamed (Sheekh Xasan)oo kaasoo jeeda Beesha Hargeysa degana Dalka Finland kaasoo Dhaqaale lagu qiyaasay 6-10 Millions oo Euro ka dhacay Soomaali badan oo ku nool Finland, wuxuuna haatan ku sugan yahay magaalada Jilib, wasaarada lacagta Maraykanku sheegtay inuu kooxda ka taageeeray Lacag dhiqida iyo Xawaaladaha, ninkan ayey sheegeen inuu ka tirsan yahay Saamileyda Shirkadaha Haleel Group iyo Qemat Al Najax General Trading.

Shaqsiyaadka kale ee Maraykanku ku eedeeyey lacag dhaqida waxaa ka mid ah Maxamed Cartan Robel oo fadhigiisu UAE, Cabdikariin Faarax Maxamed oo fadhigiisu yahay Somalia, Farxaan Xuseen Xaydar oo ah Maamula xarumaha Haleel Group ee Kenya, Uganda, Qubrus, iyo Imaaraadka, Cabdulqaadir Cumar Cabdullaahi oo Agaasime ka ah Kooxda Haleel Groups ee Uganda oo uu weheliyo Cumar Sheekh Cali.

314150cookie-checkShabakada Shirkadaha iyo Shaqsiyaadka u Xil Saaran Dhaqida Lacagaha Baada ee Kooxda Shabaabka..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com