Maqaalka Caafimaadka:-Qabatinka (Addiction) Ma Cudurbaa Mise Waa Dabeecad..?

Health World

Erayga qabatin ama in qofku wax la qabatimo wuxuu baryahaan dambe noqday eray aad loo isticmaalo siiba Dhalinyarada Balwadaha qabatima, waxaad arkaysaa iyadoo loo isticmaalayo waxyaalo aan horay loogu isticmaali jirin, tusaale ahaan hada waxaad maqleysaa iyadoo la oranayo hebel wuxuu qabatimay cabista Sigaarka iskamana joojin karo waayo waa wax naftiisu la qabsatay…

Muxuu Yahay qabatinka ma cudurbaa mise waa dabeecad mise waa khiyaali Qofku naftiisa ka dhaadhiciyay?

khuburuda Caafimaadku waxay Aaminsan yihiin in qabatinku uu yahay cudur maskaxeed, halka kuwo kalana ay ku tilmaameen inuu yahay dhibaato jir ahaaneed, Sidoo kale waxaa jira Dad kaloo aaminsan inay tahay Balwad la is raacshay maadaama badanaa Dadku jecel yihiin inay qabatimaan waxyaalaah xun sida mukhaadaraadka iyo waxyaalaha waqti dhumiska ah.

Laakin dhamaan bulshada caalamku way ka siman yihiin ogaan la’aanta ama kala saarid la’aanta qabatinka, waxaana jira su’aalo badan oo dadku is waydiiyaan sida; Qabatinku ma cudur baa? ma cudur jir ahaaneed baa? Ma mid maskaxeed baa? Ma wax waalidka laga dhaxlaa? Mala dawayn karaa.?

Maxay yihiin calaamadaha lagu garto in Qofku shay gaar ah qabatimo ama caado ka dhigtay?

Calaamadaha lagu garto la qabatinka waxyaabaha waa kuwo kala duwan, waxayana ku xiran yihiin qofka iyo sida uu u isticmaalo walxaha ay la qabatimeen.

  • In qofku si xad kabax ah u isticmaalo shay gaara
  • In qofku noloshiisa badalo iyo qaraabadiisa naco si uu shayga uu la qabatimay boos ugu helo.
  • In aad nacdid waxyaalihii aad awal samayn jirtay o aad jeclayd booskooduna ku badashid shaygaas cusub ee aad la qabatintay.
  • In aadan ilaalin karin xadiga aad ka isticmaalayao shaygaas
  • Iyo inaad dhawr mar isku dayday inaad joojiso oo aad ku fashilantay.

Sidee baa loo maareeyaa la qabatinka?

Isku soo hoori, Qabatinku ma ahan wax dawo gaara leh sida Cudurada caadigaa oo kale balse waa wax la maarayn karo taasoo ku xiran qofka ay hayso dhibtaasi adkeysigiisa, Waxyaalaha lagu maarayn karo waxaa kamid ah, kalsoonida qofku ku qabo naftiisa oo ah inuu waxaas naftiisa ka joojiyo, inuu qofku yahay qof go’aan qaadasho leh diidina karo waxyaalaha beenta ah ee maskaxdiisu u sheegto had iyo jeer, inuu naftiisa iyo maskaxdiisaba u sheego in waxaan ay yihiin wax uusan doonayn inuu sii wado uuna baro naftiisa siday u ilaawi lahayd, inuu badalo deegaanka uu daganaa hadii ay awal dhibtu ka kacday Degaankaas, inuu badalo asxaabta hadii iyagu bareen, iyo qaabab kaloo badan.

335830cookie-checkMaqaalka Caafimaadka:-Qabatinka (Addiction) Ma Cudurbaa Mise Waa Dabeecad..?