Ethiopia Balanqaadyo Hub & Taageero u sameysay Madaxweynaha Konfur galbeed

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Safarkii Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Konfur galbeed ku tagay Magaalooyinka Addis abeba iyo Jigjiga halkaasoo uu kula kulmay Mas’uuliyiinta Dalkaasi, isagoo kala hadlay in lagu taageero sidii gacan looga siin lahaa dagaalka Kooxda Argagixisada Shababka iyo Khilaafka kala dhaxeeya Madaxtooyada Villa Somalia…

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u sheegtay in Maamulka Abiy ee Addis abeba uu ku wareejiyay Mr.Lafta gareen Hub laga qabtay Maleeshiyaadka kooxda Shababka (4-Qori oo dhashiike ah) iyo tiro badan oo Rasaasta Ak-47 iyo Pkm, iyadoo loo balanqaaday in 500 Dhalinyaro ah loo tababaro.

Wararka ayaa intaasi raaciyay in 30-Xubnood oo Dhalinyaro ah loo siin doono tababar la xiriira Kalkaaliye Caafimaad, Dowladda Addis abeba ayaa u balanqaaday iney gacan ka siin doonto Mr.Lagta gareen sidii Maamulka Konfur galbeed u qaban lahaa doorasho macmal ah.

207160cookie-checkEthiopia Balanqaadyo Hub & Taageero u sameysay Madaxweynaha Konfur galbeed
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com