Ma Dhabaa in Koox Burcad Badeed Soomaali ah ay Weerartay Markabka Xamuulka ee Central Park..

World

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa xaqiijinaaya in Kooxda weerarka u geysatay Markabka Xamuulka ee lagu magacaabo Central Park oo ay afduubteen Koox Burcad Badeed ah oo lagu tuhmaayo iney Soomaali yihiin, kuwaasoo muddo gaaban la wareegay barta laga hago Markabka uu ka babanaayo Calanka Liberia, kaasoo gurmad ay u fidiyeen Ciidamada Badda USA lagu soo badbaadiyay…

Isku daygaan Afduubka Markabkaan oo uu sido rar buuxa oo ah phosphoric acid”, ayaa Waxaa kabtanka u ah Muwaadin u dhashay Dalka Turkiga, iyadoo ay saaran yihiin shaqaale caalami ah oo ka kooban shaqaalaha Ruushka, Vietnamese, Bulgarian, Hindi, Georgian iyo Filibiin, waxaa maalintii Axadii lagu weeraray Gacanka Badda Cadmeed ay afduubteen Koox Soomaali ah oo Dooni Kaluumeysi oo Iran leedahay dhawaan xeebaha Degmada Eyl Somalia.

Khabiirada Arrimaha Burcad badeedka ayaa ka welwelsan Xiriirka wada shaqeyn ee ka dhaxeeya Kooxaha Burcad badeedka Soomaalida (Puntland) iyo Kooxda Xuutiyiinta hubeysan kuwaasoo laba Gantaal ku rideen Markabkaan iyo 2- kuwa Dagaalka oo ay kala leeyihiin USA & Japan, inkastoo aysan khasaare geysan, Sarkaal u hadlay Pentagon-ka ayaa sheegay:-

Waxaa aad u kordhaayay tan iyo markii uu bilaawday Dagaalka Gaza Falalka Weerarada, Afduubka Maraakiibta, Duqeymaha Gantaalada iyo Drones-ka ay geysanayaan Kooxda Xuutiyiinta, isku daygaan ayaa xiriir la leh 2-Markab oo kale ay Afduubteen Kooxda Xuutiyiinta oo xulafo la ah Dalka Iran, iyadoo Markabkaan ay Maamusho Shirkadda Zodiac Maritime Ltd.

Maxaa laga Yaqaanaa Shirkada Zodiac Maritime Ltd.

Waa Shirkad caalami ah oo waxaa iska leh Ganacsato Israel u dhashay, Shirkada ayaa ku takhasustay maareynta Maraakiibta, xarunteeduna tahay London, Waxeyna Faracyo xafiisyo wakiil ah ku leedahay Magaalooyinka Shanghai, Tokyo iyo Mumbai, Zodiac Maritime Ltd waxay ku takhasustay maaraynta VLOCs, Capesize, Panamax, Handymax iyo Handysize Buk Carriers, Maraakiibta Konteenarada, Maraakiibta Booyadaha Shidaalka Cayriinka ah qaada, Booyadaha Kiimikada Beeraha, Haamaha Kiimikada, Booyadaha LPG iyo Qaadayaasha Baabuurka Saafiga ah (Gaadiidka).

289930cookie-checkMa Dhabaa in Koox Burcad Badeed Soomaali ah ay Weerartay Markabka Xamuulka ee Central Park..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com